Dr. C/qaasim Salaad “Doorashadii Xamar si wanaagsan oo horumar, horukac iyo guul soo hoyatay waaye”

Filed under: Wararka |

Qahira:-(RT)Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa soo dhoweeyay doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho ee Isniintii hore lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dr. C/qaasim ayaa waxaa uu ku amaanay Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya sida uu codka aqlabiyada leh ku siiyay Madaxweynaha cusub, isagoo u mahadceliyay Madaxweynihii hore sida mudnaanta leh ee uu durbaba u aqbalay natiijada doorashada, xilkana u wareejiyay si aan leex leexad laheyn oo dimoqraadi ah.

“Doorashada Xamar si wanaagsan ayey u dhacday horumar ayaan u arkaa iyo horukac iyo guul usoo hoyatay umada Soomaaliyeed, Shariif Sheekh Axmed wuu ku mahadsanyahay inuu si sharaf leh ku wareejiyo marki hore isaga dagaal kuma imaan ee doorashuu ku yimid”ayuu yiri Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo wareysi siiyay Idaacada VOA-da

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyed inay u duceeyaan Madaxweynaha cusub, ayna ku garab siiyaan howlaha hor-yaala ee gudaashada waajibaadka ka saaran hogaanka dalka sida uu yiri.

Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo ahaa Madaxweynihii u horeeyay ee dowladdii KMG aheyd ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti sanadkii 2000 ayaa wado u furtay in bur burkii dowladii hore kadib dalalka deriska lagu soo dhiso dowladdo KMG oo iska kala dambeeyay.

 

Realtaleex News Desk.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>