Shirkii Beesha Cali Geri Oo Lasoo Gebogebeeyey Iyo Go’aamo Kasoo Baxay (Akhriso).

Filed under: Wararka |

Buuhoodle(RT) Waxaa gudaha Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn maanta si rasmi ah ugu soo gaba gaboobay shir weynihii Beesha Cali Axmed ama Cali Gari ee Towfiiq 2, isagoona shir weynahani mudo gaadhaysa tobaneeyo casho uu Beesha Cali Axmed uga socday gudaha Magaalada Buuhoodle, waxaana shir weynahani maanta kasoo qayb galay Qaar kamid ah isimada Deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn, Waxgarad, Cuqaal, Qurba joog, Culumo awdiin, Haween, Dhalinyaro, Ururada Bulshada, iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Hadaba shir weynahani oo ahaa mid balaadhan isla mar ahaan taana lagu daah furay qowlka eebe iyo wacdi diiniya ayaa waxaa ugu horeynba halkaasi ka hadlay Caaqil Cali Dahable oo kamid ah Beesha Cali Gari isla markaasna halkaasi ka akhriyey qodobo laga soo saaray shirkani.

Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay Cuqaal, Waxgarad, Qurba Joog, Culumo awdiin, Haween, iyo Dhalinyaro kuwaas oo dhamaantood kamid ahaa martidii shir weynahani kasoo qayb gashay, iyagoona dhamaantood si weyn u soo dhoweeyey qodobadii kasoo baxay shir weynahani.

Waxaa ugu dambeyntii iyana halkaasi ka hadlay Garaad Saleebaan Buraale iyo Garaad C/laahi Garaad Soofe oo kamid Gollaha dhaqan ee Deegaanada Sool, Sanaag, Cayn, iyagoona halkaasi kasoo jeediyey erayo isugu jira duco iyo dhiiri galin.

isku soo wada duuboo shir weynahani Towfiiq 2 ayaa kusoo dhamaaday jawi dagan, iyadoona ay jiraan dhaq dhaqaaqyo ah shirar kale noocan ah kuwaas oo dhamaantood ay iskugu yimaan doonaan Beelaha kale ee dega Goboladda Sool, Sanaag, iyo Cayn si ay uga wada tashaadaan aayahooda.

Hoos Ka Ka Akhriso Qodobada Shir-Weynaha Towfiiq 2 Kasoo Baxay Ee Laysla Qaatey:-

1. kudhaqanka shareecada islaamka

2.Inay Midowdo Beeshu, Walaalahooda kale ee dega gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn ay yana la ilaaliyaan midnimada.

3.Waxay beeshu sameysatey gole dhaqan oo matala beesha, Golahaasi oo had iyo goor u taagan go’aamada beesha, Aysana metelin xaga siyaasada iyo dhaqankaba cidii ka baxsan go’lahaasi ay beeshu sameysatey.

4.Waxay beeshu go’aansatey amaba ka go’an beesha in aysan wax xidhiidha la yeelan maamulka Somaliland iyo wixii la socdaba.

(B) Ina qof kasta oo inaga mid ah ama ka soo jeeda deegaanadeena oo inagu soo duula amaba soo raaca cadow shisheeye”Maamulka Hargeisa” in dhiigiisu Xalaal Yahay isla markaana ay beeshu xabad kala hortagi karto,Oo aan waxba laga bixin doonin”Mag”.

5.Waxay beeshu cadeyneysaa in ay ka tirsan tahay Dowlada Federal Ka Somalia, Maamul goboleedkeeduna yahay Khaatumo State Of Somalia.

6.Waxay beeshu go’aansatey inay walaalahooda ay deegaan wadaagta yihiin ay nabad gelyo kula noolaadaan, Yaguna ay sidoo kale la qaataan nabad gelyadaas.

7.Waxay beeshu go’aansatey qeybahooda dega gudaha Dowlad Deegaanka Ethiopia in waxgaradkooda iyo madaxdhaqameedubaay si toos ah beeshu ugala shaqeenayaan xaga Horumarka,Nabada iyo Dhaqaalaha ”Dowlad Deegaanka Ethiopia”.

Halkan Ka Daawo Sawiro

 

 

RealTaleex News Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>