UK-(RT)Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo nabadgelyo
Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa-Farshaxanka iyo Qalinka run sheega,xaqa u hiiliiya,wanaaga ku taliya,qaranimo iyo jiritaanka Somaaliyeed mudnaanta koowaad siiya(qorax aan dhiciin-Arts-Amiin Caamir Cabdalla). http://youtu.be/RVnnhVP-tq8 Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,midnimadda iyo cadaaladda codka wadaniyiinta damiirka,dareenka iyo qiiradda nool leh gartay ama garanaaya qiimaha qaranmimadu iyo midnimadu ku fadhiyaan hanashada hanaan dowladeed cadaalad,hufnaan maamul,adeeg arr. bulsho iyo horumarin iyo xoojinta habka federaalka la qaatay,waxaanu qormadan kooban ku qeexeeynaa ahamiyada,maqaamka,kaalinta iyo doorka mudnaanta gaar ahaaneed leh ee Farsahaxan-Amiin Caamir oo aanu u aqoonsanahay Halyeey Qaran heerka koowaad ah(Bilad Dahab ah mudan)shaki kuma jiro in Amiin Arts qalinkiisa farshaxanka ah iyo ereyada kooban oo la socda oo ka turjumaaya dhibaatada taagan, Xaalado dhacay,duruufo jirra,dhiiga daadanaaya,qabyaalada,naceeybka, cunsuriyadda iyo burburka culeeyskiisa leh oo ka jira dalkeena hooyo iyo rafaadka,xanuunka iyo tacadigga bulshada heeysta-mudada dheerna soo hayeeysay(Ayaan daradeeda leh). Amiin Caamir wuxuu ka turjumaa aragtida ama rabitaanka aqlabiyada bulshada Somaliyeed weiba inta aan codkaada soo gudbin kareyn ama aanay jiriin cid meteshaa,waana arrin ku saleeysan damiirka,dareenka iyo wadaniyada Halyeey-Amiin waana caqliga fiyoow iyo dadnimadda qof ahaaneed ee Halyeeygaas Somaaliyeed,waxaanu si buuxda oo aan hagar la'aan laheyn in aanu u taageero una soo dhoweeyno qorshaha Amin Arts ku go'aansaday in Dalka Hooyo ka furo Dugsi farshaxanka laga barto waana arrin ahamiyad weyn ugu fadhiya loona baahan yahay in sidda ugu haboon looga taageero hirgelinta mashruucaas qiimiha ku fadhiya-Amiin Arts Halyeey Qaran amaan,bogaadin,xurmo iyo mahad-celinba mudan-Guuleeysto-Aamiin. -Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)- -Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed -Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda. -Dec-10-2012.