War-Murtiyeedka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

Filed under: Maqaallo |

UK:-(RT)Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaaladda

codka,dareenka,damiirka iyo qiiradda nool wadaniyiinta Diintooda,
Dalkooda,Dadkooda iyo difaacida karaamadooda u taagan,runta
kama leexdayaasha ma daalayaasha ah,iyadoo lagu jirro maalmaha
Xuska Xuquuq Insaanka 10-Dec waxaan halkan ku qeexeeynaa sida
aanu u aragno dhinacyada sida weyn ugu xadgudba xuquuqdda iyo
xoriyadda muwaadinka Somaaliyeed Dalkeena gudihiisa-waana sidan:-

*-Kooxaha Nabad,Nolool iyo Qaranimo diidka ah(Al-Shabaab) oo si
toos ah joogto ah ugu xadgudba xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiinka
si weyn tacadiyo aan la soo koobi kareyn u geeysta qeybaha kala duwan
ee Bulsho-weynta(Qaraxyo Masiibo ah,Dil naxariis darro,jir dil,goynta
buxnaha qofka qaarkood,karbaashid,xoriyad ka qaadid,barakiciin iyo ka
joojiinta gargaarka caawiinta ah,dhammaana waa falal lidku ah xoriyada
iyo xuquuqda insaanka kana baxsan habka shareecada Islaamka.

*-Ciidmadda Dowlada(Xoogga Dalka,Nabadsugida,Boliiska iyo Asluubta)
oo habab kala duwan dhibaatooyin badan oo culeeyskooda leh ku haya
Dadka rayidka(Shacabka) cabashooyin badana laga sheeganaayo waana
sidan:-
*-Ciidanka Xoogga Dalka-Fara-xumeeynta Haweenka(Kufsasho joogto ah)
Jid-jooyo,boodka hantida dadweynaha,jir dilka,dhaca rashiinka kaalmada
iyo dhibaatada joogta ah oo eey ku hayaan Gaadiidleeyda,suuqayadda
ganacsigga iyo si khaldan oo burcadnimo u adeegsiga dereeyska xoogga
Dalka(shuftanimo cad) waxaana arrimahaas si weyn ugu dhaliilan xilkii
ka gaabiyeey:-Saraakiisha sarre ciidanka,abaanduulka,maxkamadda
Ciidanka,Taliyaha Ciidanka Xooga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

*-Ciidanka Boliiska-dhaca hantida dadweynaha,fara-xumeeynta dumarka,
Suuqyada Ganacsiga oo eey lacag bood ah(xooga ah)ka qaadaan,arrinta
fool-xumadeeda leh ee Saldhigyadda Xamar ka dhacda(Is-furro)siiba
Xarunta CID iyo saldhibyada waaweyn-ba iyo dhibaateeynta gaadiidka
dadweynaha(sidoo kalle fafalkaas waxeey ka dhammaan dhamaan kuwa
isku sheega maamul goboleedyadda siiba-S/Land iyo P/Land).

*-Nabadsugidda NSS-ta-:Heyadaas ayaa ah mid dhibkeedu aad
iyo aad u badan kuna caan ah xiligan goobta jir dilka,cadibaada dadka,
adeegsiga awood xad dhaaf ah,argagax gelinta dadweynaha,jeelasha
qarsoodiga ah oo qaababka naxdiintooda leh dadka loogu dhibo,lacag
isku furashadda oo ah dhaqan NSS-tu ku caan tahay iyo hanjabadaada
joogta ahba.

*-Ciidanka Asluubta-dhibaatooyin badan oo aan la koobi kareyn ayaa ka
jirra Jeelasha dalka Somaaliya gaar ahaan kuwa:-Muqdisho,P/Land iyo
kuwo S/Land oo eey ugu horeeyso daryeel la'aan,jeelasha oo buux dhaaf
ah,nadaaf darro weyn,daryeel caafimaad oo aan jiriin,cunto xumo,jir dil,
ciqaabo dhibkooda leh,booqashada ehelka oo lagu dhibo,dumarka oo si
joogto ah fara-xumeeyn loogu geeysto jilaasha-Muqdisho,Bosaaso iyo
Garoowe,Midka Mandheere iyo Hargeeysaba iyo jeelasha oo lagu hayo
dad aan wax dembi ah lagu cadeey(maxkamadi xukumiin) iwm.

*-Ciidnaka D/Hoose:-dhibaatooyin aan la koobi kareyn ayeey ku hayeen
bulshada rayidka ah siiba Ganacsatada suuqyada waaweyn,qaadidda
cashuur aan xad la'aan shurcina aheyn,gaadiidleeyda,baabuurta safarka
goboladda,waratada dan yarta ah oo hantidooda la qaado iyo dhaqan
xumo hab xaaraan ah ku saleeysan oo eey ku dhaqmaan cid wax ka
qabataana jiriin Muqdisho ha u daraato.

*-Kooxaha Isbaaro-leeyda(Burcad Dhuleedka)waa kuwo aan naxariis iyo
dadnimo midna laheyd weliba degaamadda qaarkood hab shuftonimo u
dhaqma,si cad u booba hantida dadweynaha,dumarka fara-xumeeyo,
lacag sharci darro ah oo awood sheegasho ah qaada,dil,jir dil,hanjabad
joogto ah tacadiyo badana ku kaca,waxaana ayaan daradeeda leh inta
badan la yaqaan siiba kuwa caasimada dhibtaas ka wada waxna la qaban
waan arrin ayaan daradeeda leh(taas micnaheedu yahay abaal-marinta
qaswadayaasha iyo ku xadgudbyaasha xuquuqda dadka)waana mid eey
cambaareeyn culeeyskeeda ku mudan hogaanka sarre ee Dalka Hooyo.

*-Warbaahinta Iyo Saxaafadda qaarkod oo ah dhibaato abuurayaal iyo
xumaan ka shaqeeyaal qeyb weyn ku leh tacadiyada,xadgudubka iyo
dhibka joogtada ah oo bulshada somaaliyeed lagu hayo,wararka beenta
ah,xumaan,colaad,naceeyb iyo fidnimo abuurida ah,buun-buuninta iyo
waji kale u yeelida shil ama dhibaato dhacday,dhinac la duubnidda iyo
ka fogaanshaha habka dhex-dhexaadnimada iyo diyaariinta barnaamijyo
ujeedo qarsooni ka dameeyso kuna saleeysan hab cunsuriyeed sidda:-
Barnaamijka Xog-Waran UniversalTV iyo Luqada naceybka ee Shabeele.

-Tacadiyadda iyo xadgudubyada waa kuwo ka jira dalka Somaaliyeed
intoodaba inkastoo degaamada xaaladu ku kala culeeystay Muqdishona
ugu daran tahay,balse degaamadda kale qaarkood waxaa ka jira colaad
iyo duulimaad Isir naceeyb ku saleeysan iyo dhul balaarsi xaq daro ah,balse waxeey
ka mideeysan yihiin boobka ama hanti dhicidda,kursi
jaceylka iyo dhaqanka qabyaaladeed(Runta sheegideeda waa Xaq).

-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed -Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda. -Dec-11-2012.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>