UK:-(RT)Ku:-Dhammaan Qurba Jooga Khaatumo State.
Ujeeddo:-Baaq Taakuleeynta Naafadda Laascaanood. Mahad oo dhan Allah ayeey u sugnaatay-Naxariis iyo nabadgelyo Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa,sifooyinka qiimaha weyn leh ee Diinta Islaamka waxaa ka mid ah ahmiyad weyna ku leh isu-gargaarida iyo is caawinta ku saleeysan shareecada laguna tallo galo meesha iyo cida ku haboon markaas (Al-Musta-xaq) iydoo weliba masuuliyad gaarka eey mudan yihiin:-Ubadka Agoonta, Dadka Naafadda ah,Bukaanka,Dan-yarta iyo cidii markaas duruufo adag la soo dersaan,camal kheyrka ayaa ah mid abaal-marintiisa Raxmaanku bixiyo laguna muteeysto guulo waaweyn(Alloow noogu deeq abaal marintaada). Anigoo ah Ustaad-Xassan Carab muwaadin asal ahaan ka soo jeeda degaamadda Khaatumo State of Somalia si joogto ah ugu taagan howlaha camal kheyrka ku saleeysan iyo dhiiri gelinta wanaag ka shaqeynta iyo mudnaan siinta danta guud waxaan halkan baaq Islaanimo ku saleeysan ugu soo gudbinaayaa guud ahaanba Xubnaha Jaaliyadaha Khaarumo State qurbaha hadii eey ku sugan yihiin:-Yurub,W/Mareeykanka,Austaraaliya,Dunidda Carbeed,Barigga iyo K/Afrika in eey damiir muslinimo,dareen somaalinimo,qiiro khaatumeeysan iyo garasho fiyoowba ku eegaan xaalada duruufaha adag leh,nolool xumadeeda leh,dayaceeda leh iyo daryeel la'aanteeda oo heeysata Naafada Magaalada Laascaanood oo tiradoodu lagu qiyaasaayo ilaa 850 qof,isugu jiro dadka ku curyaameey dagaalada sokeeye, kuwo xanuuno ku naafoobeey iyo kuwo ku dhashay. http://youtu.be/3QAevoE5c-U Walaalayaal ehlu kheyrkoow sida aad ku aragteen shebekadaha internetka ama ka mashaqeen kuwa maqal iyo muuqaalka baaqa Xurmadle-Sheekh Mubaarak Maxamed Dool gudoomiyaha ururka naafadda g/sool iyo warbixinta xaaladda naafadu ku sugan yihiin iyo sida eey ugu baahan yihiin gargaar iyo caawin deg- deg ah waxaan si naxariis leh idiinku boorinaayaa inaad arrintaas Il naxariis leh, dareen Islaanimo iyo qiiro khaatumeeysan ku eegtaan una gurmataan dadkaas walaalaheen ah naafadda ah oo masuuliyad weyni inaga saaran tahay,waxaan si gaar ah arrintaas u adkeeynaayaa ururada iyo shakhsiyaadka ehlu kheyrka ah dadaalka iyo kartida badan leh sida-Ururka Haweenka Degaanka iyo Marwo-Zahra Gamadiid,Haweenka dadaal badan UK,Kuwo USA,Maryan Goonle,Kuwa reer Sweden, Kuwo Norway,Denmark,kuwa Emaraadka,Kenya,Ugaandha iyo S/Afrikaba,ragga wax qabadka ku caanka ah sida-Dr-M.C.Raxmaan,Iimaan xaaji,Xassan Ciise,kuwa Reer Birmingham,Leesta,Bristol,Manchseter,Cardiff iyo kuwa qaarada aduunka ku kala sugan siiba Reer USA iyo Emaaraadka. Gunaanadka waxaan rajeeynaayaa in baaqaasu la kulmi doono damiir nool iyo dhego furan oo dhanka camal kheyrka maqalkoodu u daloolo,xaaladu waa deg- deg(Nin Lagu Seexdoow ha Seexan). -Alloow Noo Gargaar). -Qorre-Ustaad-Xassan Carab. -sharifhassan50@hotmail.co.uk -Dec-17-2012.