Suugaanta Maayga Dhaxal Hodon Ah

Filed under: Maqaallo |

UK:-(RT)Fanka lahjadda Maayga(Somaliga) ayaa ah mid qiimo weyn leh marka

aad ka eegto naxwaha erayada iyo nuxurka eey ku fadhiyaan qaabka
ku dhawaaqida erayada ayaa macaankooda leh si cad u dareensiinayaa
qiimaha luqadeed oo ku duugan,weliba marka dhanka suugaanta laga
eego hadii eey noqon laheyd(Gabeyga,Ciyaaraha Dhaqanka iyo Fanka-ba).
 http://youtu.be/szwjoyvXfEo       http://youtu.be/eIw-Nk-Ua5k      

http://youtu.be/iqWyIU9gXRA
Khabiir kuma ahi lahjada Maayga(somaliga)dhankaa taariikhdeedda iyo
waayaha faceeda,laakiin waxaa si gaar ah ii soo jiiteey qiimaha fanka
maayga ah iyo hanaanka wanaagsan oo heesahoodu leeyahay dhanka
erayada,nuxurka,qaabka dhawaaqida iyo sida eey ugu wanaagsan yihiin
laxan saarida iyo qaabeynta muusikadda,waxaa markhaati cad u ah in
Lahjadaasu tahay mid hodon ah fadlan dhuuxa heesaha qormadan kabon
ku lifaaqan dhadhanso macaanka erayada iyo qaabka qurxoon oo loogu
luuqeeynaayo(dhegta iyo dareenka soo jiidanaaya)(runtii Heesihii Fanaan-KUUSOW
KURTUNGWAAREY dhegeeysigooda xiisaan jiray markii aan
dhalinyarada ahaa(Barisamaadkii). 

http://youtu.be/iqWyIU9gXRA
http://youtu.be/LT74IxlWJtk
http://youtu.be/LT74IxlWJtk -Fanka Maayga mid hodon ah qiimo weyn ku leh
Suugaanta dhaxal galka ah ee Somaaliyeed isla markaana leh abwaano
xikmad iyo laashaanimo weyn leh fankaasna u yeelay nuxur gaar ah iyo
qiimo faneed sareba, iyadoo fanaaniin badan oo somaaliyeed si fiican ugu
heesi jireen labada Lahjahood af Somaaliga(Maxay iyo Maay) tusaalle:-
Fanaanka Weyn Ustaad-Xassan Aden,Fanaanada Weyn-Khadiijo Daleeys,
Fanaan Abwaan-Faarax Siidoow,Ustaad-Qoomaal,Fanaan-Shimaali,Fanaan
Saliim,Ustaad-Daa'ud Cali,Fanaan-Bashiir Ibraahim,Fanaanad-Cadeey,
Fanaan,Cumar Shariif,Fanaan Teysoow,Fanaanada,Laki Xaaji,Fanaanka-Muxyadiin
Shiikh,Fanaan(Abwaan),Tarash,Fanaan-Mustafe,Fanaan-Yusuf
Hoosow,Fanaanada Shamso Shumeey,waxaan marna la illaawi kareeyn
Abwaanka Somaaliyeed,xidigii xikmada iyo hormoodkii sugaanta maayga
Halyeey Abwaan Qaran-Ustaad Sahal Macalin Ciise(Caafimaad buuxa iyo
Cimri dheer iyo camal suuban-aamiin)run suugaanta maayga hodon dhab
ah. 

-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)- -sharifhassan50@hotmail.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>