UK:-(RT)Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,midnimada iyo cadaalada
waxaanu si taxadir leh ka fiirsasho leh ku u soo dhoweeynaa Booqashada waftiga Daowladda Federaalka ku tageen Magaalada Kismaayo Xarunta G/J/Hoose oo intii mudo ah eey gacanta ku hayaan Maamulka KMG ah(Xoogaga Raaskambooniyiinta)si aad iyo aad u wanaagsan u sugeen xasiloonida iyo nabadgelyada guudba kana dhigeen Kismaayo magaalo ka amaan wacan:- -Muqdisho. -Marka cadeey. -Baydhaba. -Hiiraan iyo Jowharba(Allah Mahad leh)booqashada waftigan heerka wasiir ah ayaa ka dhigaaya in madaxda sare qaranka Somaaliyeed Jubbaland siinaayaan qiimo ka hooseeysa-Hiiran iyo Bay waxaana ku cadeeyneeysa heerka waftiga waana arrin ayaan daradeeda leh si weyna u dhaawaxeysa maqaamka Madaxda Sarre oo Indho kala jecleeysi ah ku eegaaya Gobolada Dalka. http://youtu.be/_i56gPR55ZM Waxaanu halkan amaan,bogaadiin iyo hambalyo uga direeynaa Hogaanka Maamulka KMG Kismaayo Halyeey-Sh.Axmed Madoobe, Saraakiisaha Xoogaga Raaskambooniyiinta,Ciidanka Qaranka iyo Kuwo Amison iyo Gudigga Farsmadda Maamu u sameeynta Goboladaas oo dadaal,karti iyo niyad sami u mujiyeey waftiga Dowladda Federaalka iyo soo dhoweeyn heer sare ah,waana arin ka turjumeeysa dareenkooda wadaniyadeed,inkastoo hadalka Wasiirka Arr.Gudaha taxadir weyn lahaa iska dul marna ahaa hadana waan soo dhoweeyneeynaa guud ahaanba wixii danta guud iyo maslaxada dadweynaha degamaas ku saleeysan,anagoo mar walba ka digeeyna faragelinta iyo xadgudubka dhanka madaxda sarre ka muuqda oo si cad lid ugu ah dastuurka dalka(Sawir xun ka siisay bulshadda J/Land)waana mid ayaan daradeeda leh. Gunaanadka qormadan gaaban Maamul sameeynta Gobolada J/Land waa mid u taal xaqna eey u leeyihiin beelaha degaankaas,mana jiro sharci ama awood dowladda dhexe fara gelin u ogolaanaya anagoo hore u dhaliilnay qaab dhaqameedka Hogaanka sarre iyo sharci jebintiisaba,J/Land masuuliyadeeda Dadka degaankeeda ayaa iska leh weey wadaan howshii dhismaha maamulkooda oo hab wada jir ah iyo is faham ku dhisan(Inshaa Allah Guul). -Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed -Nabadda,Midnimada Iyo Cadaaladda. -Dec-28-2012.