Galkacayo:-(RT)Waxaa isa soo taraya Tacadiyada uu C/raxman Faroole ka gaysanayo magaalada Garoowe , deegaankaas oo C/raxamn Faroole uu ka sheegaty siyaasiyiinta iyo Shakhsiyaadka kale ee kasoo jeeda Gobolka Bari iyo Mudug.
C/raxamn Faroole iyo Maamulkiisa ayaa si cad uga sheegtay Magaaalda Garoowe marka laga soo bilaabo Ra’isal Wasaarihio hore ee Somalia C/wali Gaas waxa ku xigtay in saacado kooban loo qabto ergada ka socotay Gobolka Mudug halka qaarna ay wali ku xidh xidhan yihiin Magaalada Garoowe sababo lagu macneeyay inay kasoo hor jeedaan C/raxamn Faroole.
Marka laga tago Siyaasi C/raxman Faroole iyo Maamulkiisa waxaa Fikrada ah in Siyaasiyiinta iyo Shakhsiyaadka ka hor yimaado Siyaasada Faroole in laga saaro Garoowe lagana sheegto Garoowe ku raacay Cuqaasha iyo waxgaradka Beesha C/raxman Faroole iyada oo ay hor kacayaan Suldaan Garaase iyo Suldaanka Beeshaas oo iyagu Beel ahaan ay isku meel kasoo jeedaan C/raxman Faroole.

Realtaleex News Desk.