Wasiirada arimaha bulshada oo tababar caafimaad ku soo xidhay Ankara(Sawiro)
Ankara:-(RT)Tababarkaan oo ahaa a mid ay bixineysey wasaaradda Caafimaadka Wadankaan Turkiga islamarkaana ay casharda bixinayeen hay’ada TIKA & Hay’ado kale oo wadankaan Turki laga leeyahay ayaa waxay ka dhacdey holka weyn ee Hotelka Shiraton ee Magaalada Ankara.
Xafladaan Xiritaanka Tababarka Caafimaad aheyd ayaa wuxuu socdey dhowr iyo Toban Cisho waxana loo Qabtay Dhaqaatiir caafimaad oo ka howl gala Magalada Caasimada ah ee Muqdisho, taasoo dhaqaatiirtii dhameysatay Lagu Gudoonsiiyey Shahaadooyin caalami ah.
Wasiiradda Horumarinta Arimaha Bulshada & Safiirka Safaardda Soomaalida ay ku leedahay Wadanka Turkiga Ambasador Maxamed Mursal ayaa Shahaadooyinka Bixinayey waxaana Isla Goobta SHahaadoonka Ardada Lagu Siinayey ku sugnaa wakiilo ka socdey Wasaaradda Caafimaadka Turkiga,Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Turkiga Mudane Abduqaadir Maxamed Nuur ” JAAMAC”, Madaxa Ganacsiga Ee Safaardda Soomaalida Turki Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) iyo madax kale .
Wasiiradda ayaa hadalkeeda wuxuu ahaa dardaaran iyo wada shaqeyn Wasaaradda Caafimaadka Tukiga iyo Hay’adaha kale ee NGO-ya ah ee Turkiga, sidoo kale Amb. Maxamed Mursal Ayaa asaguna hadalkiisa dardaaran guud ka sokow waxaa ugu muhiimsanaa oo dowlada Turkiga ka codsadey In wasaaaradda caafimaadka ay ka shaqeyso qaabkii ay u qalabeyn laheyd guud ahaan Isbitaalda Gobolada Soomaalida Kuyaalo oo dan dareysan.
Realtaleex News Desk.