Muqdisho:-(RT)Munaasabaddo si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen arday tiradoodu ay gaareyso 222 Arday oo 111 ka mid ah ay gabdho yihiin ayaa maanta ka kala dhacay xeebta Liido iyo Hotelka City Palace oo ka wada tirsan degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.
Munaasabadaha ayaa munaasabaddii ugu horeysay waxaa arday 222 gaareysa loogu qabtay xeebta degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayadoo Ardayda qalin jebineysayna ay farxadooda kusoo bandhigeen xeebta.
Intaasi kadib ayaa waxaa munaasabad iyana si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay kasoo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya,maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Plasma, qaar ka mid ah maamullada iyo macalimiinta Jaamacadaha Dalka,Waalidiin,ardayda qalin jebineysay iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay hotelka City Palace degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.
Munaasabadda ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Madaxweynaha Jamaacadda Plasma Dr Xasan Maxamed Xasan (Xasan Kaafi) oo isagu faah faahin ka bixiyey daruufihii iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay wax kusoo barteen Ardayda maanta qalin jebisay.
“runtii farxad aad u weyn ayey noo tahay hadii aan nahay maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Plasma in Arday tiradoodu intaan gaareyso ay maanta qalin jebiyaan, waxaan jeclahay inaan idiin xusuusiyo qaar ka mid ah dadkii ardaydan hortiina fadhida la bilaabay Waxbarashada weey dhinteen oo waala dilay ayagoo waxbarashadooda usoo socda, qaarkood waxey usoo marayeen daruufo silic ah oo aan ka xusi karo wadooyin ay Ciidammo isku hor fadhiyaan iney naftooda kusoo biimeyn jireen balse Alle mahadii maanta mirahii guushooda wey guranayaan”ayuu ku yiri khudbaddiisa Madaxweynaha Jamaacadda Plasma Dr Xasan Maxamed Xasan (Xasan Kaafi).
Gudoomiye Kuxigeenka ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Canab Xasan Cilmi oo iyaduna MUnaasabadda khudbad ka jeedisay ayaa tilmaantay iney aad ugu faraxsantahay in tiro intaan le’eg oo gabdho ah ay mar qura ka qalin jebiyaan waxbarasho jaamacadeed waxaana ay xustay in tirada gabdhaha maanta qalin jebiyey oo 50% gabdho ah ay muujineyso sida ay gabdhuhu waxbarashada ugu horeeyaan xiligan.
Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drso Maryan Qaasim oo iyaduna socdaal shaqo ku joogta dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga ayaa munaasabadda khadka telefoonka ugasoo qeybgashay ayadoo Ardaydana u jeedisay khudbad dhiiragelin ah.
“runtii aadbaan ugu farax sanahay in tiro arday intaa le’eg ay mar qura Jaamacad ka qalin jebiyaan waan ku ammaanayaa maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Plasma sida ay ardaydan waxbarashadooda ugu dadaaleen, waxaa kale oo wax aad loogu farxo ah baraarugga maanta ii muuqanaya oo ah in tiro intaan le’eg oo gabdho ah ay Jaamacad ka qalin jebiyaan waxey taasi igu beereysaa dareen farxadeed iyo yididiillo gaar ah, waana mida keentay inaan Munaasabadan khadka telefoonka ugasoo qeybgallo anigoo safar shaqo ku jira, inkastoo aan aad u jeclaan lahaa inaan farxadaan goobjoog idinkala ahaado”ayey tiri Wasiiradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Drso Maryan Qaasim oo munaasabadda khudbad dhanka telefoonka ka jeedisay.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isaguna Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in magaalada Muqdisho ay ka qalin jebiyaan tiro intaan le’eg oo arday ah isagoo sidoo kalena uga mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Plasma sida ay Ardaydan ugu dadaaleen.
Gebagebadii Munaasabadda ayaa waxaa abaalmarinno iyo shahaaddo sharaf la gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore galay ayadoo ardayda qalin jebineysayna ay isugu jireen Diploma iyo Bachelor kuwaasi oo ka qalin jebiyey kuliyado kala duwan, sidoo kalena waxaa shahaaddo sharafeedyo iyo abaalmarinno ay maamulka jaamacadda Plasma gudoonsiiyeen maamullada shirkadaha dalka ka howlgala qaarkood kuwaasi oo jaamacadda taageerro joogta ah la garab taagan.
F.G. hadii aad doonaysid inaad weynayso Sawirada mid kamid ah guji dabeedna falaadhan « Previous Image Next Image » midig iyo bidix ugu wad.
Realtaleex News Desk.