Galkacayo:-(RT)Waxaa caawa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug lagu dilay mid kamid ah Nabadoonada gobalka oo lagu magacaabo Gaboobe Aaden Dalab,Nabadoonka ayaa kamid ah xubnaha sida weyn looga yaqaan magaalada Gaalkacyo, Allaha u Naxariistee Marxuumka ayaa kasoo baxay masaajidka salaadii Cishe kadib waxayna koox hubeysan ku dhex toogteen xaafada Israac ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Ehelada Marxuumka ayaa u xaqiijiyey realtaleex geerida Marxuumka oo la sheegay inuu dhaawac culus kasoo gaaray weerarkan kadibna uu ku geeriyooday Isbitaalka magaalada Gaalkacyo oo dhaawaciisa loola cararay.
Ma jiraan cid dilkan loo soo qabtay, wuxuuna dilka kusoo beegmayaa xili muddooyinkii lasoo dhaafay ay magaalada Gaalkacyo ka nasatay falalka dilalka qorsheysan ee lala beegsanayey dadka waxgaradka iyo Nabadoonada magaalada Gaalkacyo.
Ugu danbayntii lama ogay in dilkani uu la xdhiidho iskudhacii Garoowe ee maamulka Faroole iyo nabadoonaba gobolka Mudug iyo bari,mna jirto cid sheegatay dilka nabadoonka caawa la dilay.
Realtaleex News Desk.