Qardho:-(RT)Waxaa magaalada Qardho ka socda abaabul aad u xoog badan oo ku aadan shir ay ka qeyb galayan dhamaan odaysha dhaqanka iyo siyaasiyiinta u sharaxan madaxweynanimada Puntlnad kuwaasoo doonaya in ay halkaas ku qabtaan shirkii Garoowe looga diiday kuna doortaan xildhibaanado cusub oo mata;a shacabka ugu danbayntana halkaasi lagu doorto madaxweyne hogaa,indoona 4 sano ee soo socda.
Shirkan oo qabanqaabadiisa laga dareemayo Qardho iyo Bosaso ayaa ku soo aaday xili odayaal dhaqameedyo doonayay in madaxweynah mayalka adag ee xilligiisu sii dhamanayo ( Faroole) ku qanciyaan in uu ka soo qeyb galo shirka Qardho hadii uu doonayo imuu is sharaxo si loo xaliyo khilaafaadka ka jira mamaulka ex-Punlnad ee xiligiisu ku egyahay 8 January 2013 iyadoona iminka Qardho loo fadhiyo in inta aan la gaadhin 8 bisha lagaga dhawaaqo gole Barlamaan iyo madaxweyne uu yeesho mamaulkaasi ,
Kulnka ka furmaya Qardho oo dareenka badani ku xeeranyahay ayaa durbaba waxaa qeylo dhaan ka keenay maamulka xiligiisu sii dhamaanayo ee uu hogaaminayo keligii taliyaha Faroole kasoo oo doonaya in hal sanooo macmal ah loogu daro 4tii sano ee sida hilaaca u dhaafay balse taasi waxaa ganafka ku dhuftay shacabkii hore u doortay oo doonaya in la helo isabdal.
Hadaba kulankan ka furmaya magaalada Qardho ayaa haduu hir galo baajinkara dhiiiga inuu ku daato deeganadaasi iyadoona la xasuusto in xiligii Allaha’unaxariistee Col Cabdulaahi Yuusuf uu ku darsaday halsano oo dheeri ah laga diiday halkaasna uu ka dhacay dagaal ku dhex maray kooxahii diidanaa in uu ku darsado iyo maamulkii Col Yuusuf kaasoo oo keenay in uu dhulkaasi ku daato dhiig badan.
Si kastaba ha ahtee hadaan xal deg deg ah laga gaadhin siyaasada is diidan ee Garoowe iyo Qardho&Galkacayo ay keeni doonto in ay dhacaan dagaal daba dheeraada oo mar kale ka dhaca degaanadaasi.
Realtaleex News Desk.