Faysal Cali Waraabe”Dadku Xamar ayaa loo kala dheeraynayaa si xilal loogu magacaabo”
Hargeysa:-(RT)Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah Ucid ee maamulka isku magacaabay Somaliland Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey sida uu u arko inay wadahlo markale dhexmaraan dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Somaliland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay maamulkooda ula dhaqmeyso sidii maamul goboleed iyaga hoosyimaada oo kale, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay ku soo maqantahay sidii ay u kala tuuri laheyd, wuxuuna taasi ku sababeeyay in xil sare loo magacaabay haweenay ka soo jeeda Hargeysa.
“Waad maqlayseen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu yiri dekedda Berbera howlaan ka qabanynaa waxayna kamidtahay hantida qaranka, wuxuu inaga dhigayaa maamul goboleed hoostaga dowladdiisa, isagoo Xamar ay Yugandheys iyo ciidamo shisheeye ku ilaalinyaan ayuu rabaa inuu ina maamulo” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale Mr.Waraabe waxa uu ka hadlay dad uu sheegay inay magaalada Muqdisho ay xilal ka soo raadsadeen ay qasayaan Somaliland, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya sida tan “Su’aashu waxa weeye in la ogaado waa la inagu soo maqanyahay,
waxaad ka garaneysaa in nagalu soo maqanyahay dadka la magacaabay ee wasiirada sare laga siiyey dowladda Soomaaliya, dadku hore Muqdisho ma u aadi jirin waa maya, haddana waa loo kala dheerayaa aadisteeda, halkaas ayey ka hilaacday baa la leeyahay, waxaana la leeyahay way is heystaan oo burburayaan, waxaan ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland inay arrinkaasi ka hortagto”.
Ma aha markii ugu horeysay oo siyaasiyiin ka soo jeeda maamulka woqooyi galbeed ay sheegaan in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay faragelin ku heyso arrimaha gudaha, isla markaasna ay xilal u magacaabeyso dad u dhashay goboladaasi dudmada kaga maqan Somaliya, balse taasi waxaa beeniyay odayaal ka tirsan Somaliland oo sheegtay inaysan jirin cid Soomaali ah oo kala maaranta.
Realtaleex News Desk.