Wasir Fowsiya oo baaq u dirtay Soomalida qurbajoogta ah

Filed under: Wararka |

London:-(RT)Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya ahna R/waasare xigeen Marwo Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan ayaa safar shaqo ah ku tagtay dhawaan magaalada London, xarunta dalka Ingriiska.

Garoonka diyaaradaha London ayaa waxaa ku soo dhaweyay safiirada iyo dad shacab ah oo soomaaliyeed , waxaana hadal kooban oo ay jeedishay  ku sheegtay in ay u timid UK sidii ay wada hadal ula yeelan lahayd qurba joogta soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.
Habeenimadii xalay ayaa la sheegay in ay kulan balaadhan la qaadatay shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan UK, waxaana ay kala hadashay sidii ay dib ugu soo noqon lahaayen dalkooda, isla markaasna u maalgashan lahaayen dalkooda oo haatan amni ku soo noqonaya.
Marwo Fawsiyo ayaa ka warantay halka ay mareyso amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo hawlgalada ciidamada dawlada ee qabsaday gobolo badan oo dalka ah, waxaana ay ku dhiirigalisay dhamaan qurba joogta in ay ku dhiradaan amaankaas isla markaasina sida ugu dhaqsaha badan ugu laabmaan dalkooda.
Mid ka mid ah qurba joogta ayaa waxaa uu halkaasi ka sheegay in ay aad u daneynayaan in ay arkaan dalka oo amni buuxa ka jiro,isla markaasina diyaar u noqon doonan in ay maalgashi ku sameeyaan dalkooda,waxaana ay amaan buuxda u direen ciidamada xoogga dalka soomaliya oo suuragaliyay Amni laga dareemo caasimada iyo gobolada kale ee dalka.
Ugu danbayntii ayaa waxaa la sheegayaa  in safarkan waftiga ay horkacayso Wasiirada arimaha debeda Somaliya Mawo Fawsiya Yusuf X.Adan inuu ggol xaadh u  yahay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo booqsho rasmi ah ku imaanaya dalka Ingriiska 3January walow aanay Fawsiya carabka ku dufan arintaasi.
Realtaleex News desk.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>