Taleex:-(RT)Dagaal caawa saacadu markay ahayd 9:00 fiidnimo bariga Africa ka dhacay degmada Lafa-Weyne oo u dhaxeysa Degmada Xudun iyo Degmada Oog ayaa wararku sheegayaan inuu geystay khasaare naf iyo gaadiid leh.,
Dagaalkan oo ay ay qaadeen ciidamo si gaar ah loo taba bary oo kamid ah xoogaga maamul goboleedka Khaatumo ayaa dhirbaaxo lama filaan ah y geystay caawa maleeshiyada SNM ee ku sugnaa beryahan danbe aagaga degmada Xudun,xidhiidho kal duwan oo aan la samaynay goobjoogayaal iyo qar kamid ah ciidamada Khaatumo ayaa naloogu cadeeyay inay halkaasi u geysteen khasaare lixaad leh oo isugu jira Naf iyo gaadiid.
Ciidamadan Kumaandoosta ah ee Khaatumo oo aanan hayn tirada ay ku fuliyeen hawl galkaasi ayaa la cadeeyay inaan wax dhibaato ahi soo gaadhin dhinacooda,Masuul u hadlay ciidamadaasi Khaatumo oo la yidhaahdo Cl.Maxamed raage Xirsi ayaa war baahinta u sheegay inay baabi’iyeen saldhigii Lafawene ee Jamhada SNM.
Dhinaca SNM wax war ahi kama soo bixin oo ku aadan dagaalkani lamana cadaynkaro khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay maadaama uu dagaalku dhacay xilli habeenimo ah iminkana waagu u baryay degaanadaasi,lama sheegin wax danbe oo dagaal ah oo saaka ka dhacay aagagaasi la isku hor fadhiyo.
Waxaanu aad ugu masquulsanahay sidii aanu u ogaanlahayn khasaara adhabta ah ee soo gaadhay Jamhada SNM ee xalay loogu galay saldhigii ay ku lahaayeen Lafaweyne,taliskan xalay labaabi’iyay ayaa ahaa sida la sheegay meeshii fal danbiyeedkii ugu xumaa oo ka dhaca aagagaasi lagu sameeyay wiigii inadhaafay halkaasi oo ay Jamhada SNM Gabadh yar oo 13 jir ah intay ku kufasdeen dabeedna ku dileen,warar hor dhac ah ayaa sheegaya in weerarka xalay lagu dilay dhowr nin oo lagu eedeeyay inay falkaasi ka danbeeyeen oo nabad gelyadooda loo keena taliska Lafawene.
Isku soo wada duubo dhacdadaan ayaa waxay ka danbeesay kadin dhow dagaal oo is daba jog ah oo ka dhacay aagaga degmada Xudun oo ay duulaan ku yimaadeen Jamhada SNM xilli iminka laga joogo laba bilood.
Realtaleex News Desk.