Muqdisho:-(RT)Ururka Dhalinyarada Soomaaliyed ee SYL II ayaa qabtay bandhig faneed uu ugu tala galay munaasabad lagu soo dhoweynayay sanadka cusub ee 2013, kaasoo lagu soo bandhigay suugaano, ciyaaraha hidiyo dhaqanka iyo bandhigyo kale.
Bandhig faneedkan oo ay ka qeyb galeen fanaaniin da’yar ah oo ka tirsan kooxda Rajo Band ee ka tirsan naadiga dhaqanka ee SYL II, ayaa lagu qabtay Hotelka Shamo ee magaalada Muqdisho, waxaana bandhiga faneedka uu ahaa mid xiiso gaar lahaa, iyadoo gabdhaha iyo wiilasha ay isula helayeen jaanta iyo jiibta.
Fanaaniinta ayaa ugu horeyn ku soo bandhigay heeso mirahooda uu wanaaagsanaa, isla markaana codkooda ahaa mid aad u macaanaa, iyadoo ay muujinayeen sida ay mustaqbal ugu leeyihiin inay fanka heer wanaagsan ka gaaraan.
Sanadkan cusub ayaa ahaa mid aad loogu hanweyn yahay, iyadoo sanadkii hore wax badan lagu xusuusan doono, marka loo eego shucuurta ummada somaaliyeed oo la jaan qaaday isbadal dowladnimo iyo hididiilo nabadeed, waxaana is bedelada jira ay muujineyso sida bilicda magaalada ay u soo wanaagsanaayeen iyo himilooyinka ay hiigsanayaan shacabka.
Ururka Dhalinyarada ee SYL II ayaa ka qeyb qaata horumarka iyo is dhex galka dhalinyarada iyo bulshada Soomaaliyed, waxaana uu hirgeliyay barnaamijyo lagu dhiira gelinayo dhalinyarada iyo soo nooleynta dhaqanki, hidihii iyo fankii uu Soomaaliya ku caan ahaa.
Realtaleex News Desk.













